HomeWararQeybtii ugu dambeysay Koox Dhallinyaro Somali-Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo xukun...

Qeybtii ugu dambeysay Koox Dhallinyaro Somali-Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo xukun dheer lagu riday.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Federalka ee magaalladda  Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 3 Dhallinyaro Soomaali oo qeyb ka ahayd Koox Dhallinyaro ah oo lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria. Eedeysanayaasha shalay xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/xamiid Faarax, C/raxmaan Daa’uud iyo Guuleed Cumar. Saddexda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Federalka ee magaalladda  Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 3 Dhallinyaro Soomaali oo qeyb ka ahayd Koox Dhallinyaro ah oo lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria.

Eedeysanayaasha shalay xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/xamiid Faarax, C/raxmaan Daa’uud iyo Guuleed Cumar.

- Advertisement -

Saddexda Eedeysane ayaa la sheegay inay qalab ku taageeri lahaayeen Kooxda Daacish iyo inay qorsheynayeen inay u socdaalaan dalka Syria, kuna biiraan Kooxda Daacish.

Garsoore Michael Davis waxa uu Dhallinyaradaasi ku xukumay Xukunkii ugu muddada dheeraa, marka loo eego xukunadda lagu riday 6-dii Dhallinyarro ee maalmihii Isniinta iyo Talaadada la soo dhaafay la wada xukumay.

guled-omarGuuleed Cumar oo lagu sheegay inuu ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Dhallinyarada ee ku biiri lahayd Maleeshiyadda Daacish waxaa lagu xukumay Xabsi 35 sanno ah.

- Advertisement -

mohamed-abdihamid-farah abdirahman-yasin-daudSidoo kale, Maxamed C/xamiid Faarax iyo C/raxmaan Daa’uud oo 22-jiro ah waxaa lagu kala xukumay min 30-sanno.

Xukunkii shalay ayaa ahaa kii ugu muddada dheeraa, iyadoo xukunaddii maalmihii la soo dhaafay lagu riday 6 Dhallinyaro Somali-Maraykan ah lagu xukumay ilaa 15 sanno oo Xabsi ah.

Dhinaca kale, Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegay inay dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ay Tobaneeyo Dhallinyaro ka tageen Gobalka Minnesota, kuna biireen Maleeshiyadda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria.

Gobalka Minnesota waxaa ku nool 5,700 oo Soomaali, waana Jaalliyadda ugu tirade badan ee Soomaalida ku sugan  guud ahaan dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts