HomeWararSomalia oo taageertay Musharxnimadda Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ee Xilka ugu sarreeya...

Somalia oo taageertay Musharxnimadda Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ee Xilka ugu sarreeya Ururka Midowga Afrika.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Dowladda Kenya olole Taageero-doon ugu jirto sidii Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed Jibril loogu codeyn lahaa Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika. Afhayeenka Aqalka Dowladda ee Kenya, Manoah Espisu ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii Kulan la isugu yeeray Danjirayaasha Kenya iyo Ergooyinka Sare ee ka jooga dalalka kale. Afhayeenka ayaa tilmaamay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Dowladda Kenya olole Taageero-doon ugu jirto sidii Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed Jibril loogu codeyn lahaa Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Afhayeenka Aqalka Dowladda ee Kenya, Manoah Espisu ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii Kulan la isugu yeeray Danjirayaasha Kenya iyo Ergooyinka Sare ee ka jooga dalalka kale.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa tilmaamay inay  Wafdiga ka yimid Somalia sheegeen inay Dowladda Somalia oggolaatay codsiga loogu codeyn doono Amina Maxamed.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Somalia noqotay dalkii ugu horreeyey ee sameeya Ballanqaadkaasi Cod-bixinta.

Dhinaca kale, Madaxweyneah Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu Madax Afrikaan ah kala hadlay sidii ay codkooda u siin lahaayeen Amina Mohamed.

- Advertisement -

Doorashadda Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika  ayaa la filayaa in dabayaaqadda bisha Janaayo ee sannadka soo socda lagu doorto Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Guddoomiyaha xilligan ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah  Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika, taasi oo xilkaasi loo doortay bishii July 12-dii ee sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts