HomeWararMas'uul ka tirsan Xawaaladda Amal Express oo watay Ku-dhawaad labo milyan oo...

Mas’uul ka tirsan Xawaaladda Amal Express oo watay Ku-dhawaad labo milyan oo Dollar oo  lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa  u sheegay Radio Dalsan inay Saraakiisha Garoonka Aadan Cadde gacanta ku dhigeen Nin u shaqeeya Shirkadda Xawaalladda ee Amal, kaasi oo watay Boorso ay ku jirtay lacag dhan Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar. Ninkaasi ayaa la hadal-hayaa inuu ku sii jeeday magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa  u sheegay Radio Dalsan inay Saraakiisha Garoonka Aadan Cadde gacanta ku dhigeen Nin u shaqeeya Shirkadda Xawaalladda ee Amal, kaasi oo watay Boorso ay ku jirtay lacag dhan Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar.

Ninkaasi ayaa la hadal-hayaa inuu ku sii jeeday magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland, halka warar kalena sheegayaan inuu ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Shirkadda Xawaalladda Amal oo ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha Somalia ayaa waxay dhawaan Bangi ka furteen magaalladda Muqdisho, mana kala cadda sababaha Adeegga Bangiga loogu adeegsan waayey Lacagta faraha badan ee uu Hawl-wadeenkaasi la safrayey.

Madaxda Sare ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa la sheegay inay gaareen Garoonka, waxayna warbixin ka dhegeysteen Saraakiishii qabtay Hawlwadeenkaasi u shaqeeya Shirkadda Amal iyo Kharajka caddaanka ee uu Boorsada ku watay.

Waxaa socota baaritaan lagu ogaanayo halka loo waday Lacagtaasi iyo Hawlaha loo adeegsan lahaa.

- Advertisement -

Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) waxay Hay’addaha Maaliyadda iyo Ammaanka ee Dowladda Federalka ku booriyeen inay adkeeyaan Nidaamka Xawaaladaha, waxayna Hay’adahaasi farta ku go’deen Nidaamka ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts