HomeWararMuwaadiniin Somali oo lagu xiray dalalka Austria, Jarmalka iyo Jesiiradda Malta.

Muwaadiniin Somali oo lagu xiray dalalka Austria, Jarmalka iyo Jesiiradda Malta.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Warbaahinta dalka Austria ayaa shaacisay in la xiray Qaxooti Somali oo 18-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu jabsaday Isbitaal iyo inuu isku tijaabiyey inuu kufsado Haweeney Bukaan ah oo jiiftay Qeybta Dadka Waalan ee Isbitaalka. Is-dayga Weerarka Kufsiga ayaa la sheegay inuu Eedeysanaha geysta Waaberigii hore ee maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, […]

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Austria ayaa shaacisay in la xiray Qaxooti Somali oo 18-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu jabsaday Isbitaal iyo inuu isku tijaabiyey inuu kufsado Haweeney Bukaan ah oo jiiftay Qeybta Dadka Waalan ee Isbitaalka.

Is-dayga Weerarka Kufsiga ayaa la sheegay inuu Eedeysanaha geysta Waaberigii hore ee maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, markii uu weeraray Haweeney Bukaan ah oo 29-jir ah, taasi oo jiiftay Qeybta Dhimirka ee Isbitaalka Jaamacadda (The University Hospital of Innsbruck) oo ku yaalla Gobalka Tyrol ee dalkaasi.

- Advertisement -

the-university-hospital-of-innsbruckSida laga soo xigtay Agaasinka Boliska Degmadda Tyrol, Haweeneyda Bukaanka waxay riixday Badhanka Gurmadka si loogu soo gurmado. lagana dul-qaado Ninka Soomaaliga ee u geystay Weerarka Kufsiga ahaa, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Dalka Jarmalka waxaa lagu xiray Nin Somali ah, kadib, markii lagu soo oogay inuu dab qabadsiiyey  Xarun lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla Degmadda Stahnsdorf ee Gobalka Potsdam.

germany-arsonDuqa magaalladdaasi, oo la hadlay Warbaahinta RBB  ayaa sheegay inay dhowr qof ku caburmeen dabbkaasi, lana dhigay Isbitaalka.

- Advertisement -

germanyWaxa uu intaasi ku daray inaysan ahayn markii uu horreysay ee dab la qabadsiiyo Xerooyinka ay ku jiraan dadka Qaxootiga.

Dabkaasi ayaa la sheegay inay  ku caburmeen Nin ka tirsan Ilaaladda iyo dhowr Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka.

Dhacdo kale, Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta ayaa la soo taagay Muwaadin Soomaali ah oo lagu qabtay Saddex Kiilo iyo Bar oo  Qaad ah.

qaad-maltaNinkaasi oo lagu magacaabo C/rashiid Aadan Guuleed ayaa la sheegay in maalintii Axadda ee la soo dhaafay lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Malta.

Ninkaasi oo 22-jir ah ayaa beeniyey inuu watay Qaadkaasi, balse, Maxkamadda ayaa amartay in lagu sii hayo Xabsiga.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories