HomeWararMas'uul ka tirsan Xawaaladda Amal Express oo watay Ku-dhawaad labo milyan oo...

Mas’uul ka tirsan Xawaaladda Amal Express oo watay Ku-dhawaad labo milyan oo Dollar oo  lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa  u sheegay Radio Dalsan inay Saraakiisha Garoonka Aadan Cadde gacanta ku dhigeen Nin u shaqeeya Shirkadda Xawaalladda ee Amal, kaasi oo watay Boorso ay ku jirtay lacag dhan Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar.

Ninkaasi ayaa la hadal-hayaa inuu ku sii jeeday magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland, halka warar kalena sheegayaan inuu ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Shirkadda Xawaalladda Amal oo ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha Somalia ayaa waxay dhawaan Bangi ka furteen magaalladda Muqdisho, mana kala cadda sababaha Adeegga Bangiga loogu adeegsan waayey Lacagta faraha badan ee uu Hawl-wadeenkaasi la safrayey.

Madaxda Sare ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa la sheegay inay gaareen Garoonka, waxayna warbixin ka dhegeysteen Saraakiishii qabtay Hawlwadeenkaasi u shaqeeya Shirkadda Amal iyo Kharajka caddaanka ee uu Boorsada ku watay.

Waxaa socota baaritaan lagu ogaanayo halka loo waday Lacagtaasi iyo Hawlaha loo adeegsan lahaa.

- Advertisement -

Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) waxay Hay’addaha Maaliyadda iyo Ammaanka ee Dowladda Federalka ku booriyeen inay adkeeyaan Nidaamka Xawaaladaha, waxayna Hay’adahaasi farta ku go’deen Nidaamka ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida.

©Radio Dalsan

 

Latest stories