HomeWararMaraykanka iyo Kenya oo loogu baaqay Baaritaanka Ninkii Somali-Kenyan ee lagu hor...

Maraykanka iyo Kenya oo loogu baaqay Baaritaanka Ninkii Somali-Kenyan ee lagu hor dilay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

  Guddoomiyaha Majmaca Muslimiinta Kenya, Ciise Axmed ayaa ugu baaqay Safaaradda Maraykanka inay baahiyaan Muuqaalada ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakiban Safaaradda Maraykanka, si loo ogaado xaqiiqda qaabkii ay Askarta Kenya Khamiistii la soo dhaafay u dileen Marxuumkaas oo la oran jirey Cabdi Mahad Ibraahim. Marxuumka oo 24-jir ah ayey ku eedeeyeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Guddoomiyaha Majmaca Muslimiinta Kenya, Ciise Axmed ayaa ugu baaqay Safaaradda Maraykanka inay baahiyaan Muuqaalada ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakiban Safaaradda Maraykanka, si loo ogaado xaqiiqda qaabkii ay Askarta Kenya Khamiistii la soo dhaafay u dileen Marxuumkaas oo la oran jirey Cabdi Mahad Ibraahim.

- Advertisement -

Marxuumka oo 24-jir ah ayey ku eedeeyeen  Saraakiisha Ciiddanka Kenya iyo Ilaaladda Safaaradda Maraykanka inuu dhaawacay Sarkaal  ka tirsan Boliska Kenya, kaasi oo ilaalo ka hayey Safaaradda Maraykanka oo ku taalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.

Guddoomiyaha Majmaca Muslimiinta Kernya, Ciise Axmed  oo soo saaray War Saxaafadeed waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo la heli karo oo ay ku jiraan Qoraalo ay Qoyska Marxuumka soo saareen iyo Sawiradda goobta lagu dilay Marxumka, kuwaasi oo muujinaya inuu Sarkaalka aad ugu degdegay dilka Marxumka.

Waxa uu ka codsaday Safaaradda Maraykanka inay baahiyaan Muuqaalladda CCTV ee falka lagu dilay Marxuumka, taasi oo gacan ka geysanayso Faahfaahinta waxa dhacay ka hor dilka Marxuumka.

- Advertisement -

“Haddii aan arrimahaasi la samaynin, waxaa aad u adkaan doonto in la dhameeyo  Kiiskaasi, waxaana suurto-gal ah in la qarinayo qaabka dilkaasi” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Wuxuuna ugu baaqay Dowladaha Kenya iyo Maraykanka in la dedjiyo sidii Baaritaan Madax-banaan loogu samayn lahaa Shilkaasi, lana baahiyo Natiijadda Baaritaankaasi.

Dhinaca kale, Safiirka Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godec waxa uu beeniyey in la qarinayo Xaqiiqda falkii lagu dilay Marxum Cabdi Mahad Ibraahim, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaanka Kiiskaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Boliska Kenya ayaa horey u sheegay inuu Marxumka Fiidnimadii Khamiistii la soo dhaafay uu tooreey ku dhaawacay Sarkaal ilaalo ka ahaa Safaaradda Maraykanka, ka hor inta uusan Sarkaalkaasi toogasho ku dilin Marxumka.

Warbaahinadda Caalamka, gaar ahaan kuwa Maraykanka iyo Kenya iyo Warbaahinadda Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalka Maydka Marxumka oo ay dul taagan yihiin Saraakiil Kenyan iyo kuwo ka tirsan FBI-da Maraykanka.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts