HomeWararXildhibaanadda Barlamaanka Kenya oo ku kala qeybsamay Go’aanka lagu xirayo Xeradda Dhadhaab.

Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya oo ku kala qeybsamay Go’aanka lagu xirayo Xeradda Dhadhaab.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Iyadoo ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday qorshe lagu xirayo Xeradda Dhadhaab ayaa waxay taasi dood kulul ka dhex dhalisay Shirkii Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya shalay ku yeesheen Nairobi. Qaar ka mid ah Xildhibaanadda ayaa mucaaraday Go’aankaasi, halka kuwo kalena ay taageereen, iyagoo ku dooday inay Xeradda Dhadhaab ku dhex sugan yihiin xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday qorshe lagu xirayo Xeradda Dhadhaab ayaa waxay taasi dood kulul ka dhex dhalisay Shirkii Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya shalay ku yeesheen Nairobi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda ayaa mucaaraday Go’aankaasi, halka kuwo kalena ay taageereen, iyagoo ku dooday inay Xeradda Dhadhaab ku dhex sugan yihiin xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxa Guddiga Ammaanka ee Barlamaanka Kenya, Asman Kamama ayaa sheegay inay Xerooyinka Qaxootiga cabsi ku hayaan Ammaanka Qaranka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Asman Kamama oo Kulanka Barlamaanka kadib la hadlay Suxufiyiinta waxa uu sheegay inay Qaxootiga Soomaalida haatan ku laaban karaan dalkooda hooyo, isagoo hoosta ka xariiqay inay AMISOM horey u xasiliyeen Gobalka J/hoose.

Dhinaca kale, Wakiilka Haweenka Degmadda Wajeer ee Barlamaanka Kenya, Fatumo Ibrahi, ayaa sheegtay in Go’aanka Dowladda Kenya ku xirayso Xerooyinka Qaxootiga inay tahay mid xad-gudub ku ah Heshiisyadda Samafalka Aadminimo ee ay Kenya wax ka saxiixday.

- Advertisement -

“Waxaan wada og nahay inaysan Somalia ka jirin Deganaansho buuxda, lamana oggolaan karo in la xiro Xeradda Dhadhaab” ayey tiri Fatuma Ibrahim oo intaasi ku dartay inay tallabadaasi xumayn karo xiriirka u dhexeeya Dowladaha Kenya iyo Somalia.

Shalay ayey ahayd, markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ku dhawaaqay in la xirayo Xeradda Dhadhaab oo uu ku tilmaamay inay noqotay meel ay Alshabaab gabaad ka dhigtaan, isla markaana lagu iibiyo Hubka iyo waxyaabaha Kontorobaanka.

Wuxuuna difaacay Xeradda Kakuma oo ay ku jiraan Qaxooti u badan kuwo u dhashay dalka Koonfurta Sudan, isagoo tilmaamay inaan la xiri doonin, maadaama aysan ka jirin wax khatar ku ah Ammaanka Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts