HomeWararMukhalasiin (Ma-gefayaal) Somali ah oo lagu xiray dalka Talyaaniga

Mukhalasiin (Ma-gefayaal) Somali ah oo lagu xiray dalka Talyaaniga

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay 7 Eedeysane oo Soomaali ah ka soo qabteen magaalladda Kataaniya ee Jesiiradda Sishilis ee Koonfurta dalkaasi, kadib, markii laga war helay inay yihiin Mukhalasiin dad ku haysta qeybo ka mid ah magaalladaasi. Mukhalasiinta ama Ma-gefayaasha ayaa la sheegay inay afduub ahaan u haysteen Tahriibayaasha Soomaalida ee soo gaara Xeebaha Talyaaniga, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay 7 Eedeysane oo Soomaali ah ka soo qabteen magaalladda Kataaniya ee Jesiiradda Sishilis ee Koonfurta dalkaasi, kadib, markii laga war helay inay yihiin Mukhalasiin dad ku haysta qeybo ka mid ah magaalladaasi.

Mukhalasiinta ama Ma-gefayaasha ayaa la sheegay inay afduub ahaan u haysteen Tahriibayaasha Soomaalida ee soo gaara Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo ay ku khasbaan inay Qoysaskooda la hadlaan, si ay u bixiyaan Lacag Madax-furasho ah.

- Advertisement -

Hawlgalka Ciiddanka Boliska Talyaaniga ka bilaabeen Jesiiradda Sishilis ayaa timid, kadib, markii ay Maxkamadda magaalladda Kataaniya shalay soo saartay Amar lagu soo xirayo 13 Mukhalasiin u badan Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay dad ku haystaan Dhismooyin qarsoodi ah oo ku yaalla magaalladdaasi.

Dhinaca kale, Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen 37 qof oo Somali ah oo ay ku jireen 3 carruur ah, kuwaasi oo la helay intii ay Boliska ku guda jireen Hawlgalka lagu baadi-goobayo Dhismayaasha lagu hayo dadka la soo afduubtay.

Taliyaha Boliska magaalladda Kataniya, Marsello Kardona ayaa u sheegay Weriyayaasha qabashadaasi kadib inay sii kordhayaan Shabakadaha Mukhalasiniinta ee dadka qafaasha.

- Advertisement -

Wuxuuna xusay inay Baarayaasha Boliska Kataniya ay hore u kala daadiyeen Koos Mukhalasiin ah oo afduuban jirtey Tahriibayaasha Eritreanka ee Talyaaniag soo gaaray sannadkii 2014-kii.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtay inay 2,500 Tahriibayaal cusub oo Soomaali ah sannadkan soo gaareen Talyaaniga, taasi oo lagu tilmaamay tiro aad uga yar marka loo eego Tahriibayaasha Soomaalida ee sannadkii hore gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo dhamaa 12,176 qof.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts