HomeWararMaraykanka iyo EU-da oo ugu baaqay Madaxweynaha Uganda inuusan ciiddankiisa kala soo...

Maraykanka iyo EU-da oo ugu baaqay Madaxweynaha Uganda inuusan ciiddankiisa kala soo bixin Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu Kulan la qaatay Danjiraha Maraykanka iyo Madaxa Ergadda Yurub ee u jooga dalka Uganda, Ambasasdor Deborah Malac iyo Kristian Schmidt, waxayna ka wada hadleen Horumarka dhinaca Siyaasadda iyo Doorashooyinka Uganda iyo Qorshaha Dowladda Uganda ee Ciiddankeeda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyadda Uganda, Linda Nabusayi ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu Kulan la qaatay Danjiraha Maraykanka iyo Madaxa Ergadda Yurub ee u jooga dalka Uganda, Ambasasdor Deborah Malac iyo Kristian Schmidt, waxayna ka wada hadleen Horumarka dhinaca Siyaasadda iyo Doorashooyinka Uganda iyo Qorshaha Dowladda Uganda ee Ciiddankeeda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyadda Uganda, Linda Nabusayi ayaa u sheegtay Wargeyska The Monitor in Kulankaasi looga hadlay qoddobo muhiim, isla markaana ay saddexda Mas’uul isla qaateen qoddobadii ay ka hadleen.

- Advertisement -

Sarkaalka EU-da ugu qaabilsan Warbaajinta, Emmanuel Gyezaho ayaa sheegay inay Madaxweynaha Uganda kala hadleen xiriirka EU-da iyo Uganda iyo Arrimaha gobalka, gaar ahaan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia.

Madaxweynaha Uganda iyo Madaxa Ergadda Yurub ee u jooga dalka Uganda, Kristian Schmidt waxay si gaar ah uga hadleen doorka Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM iyo go’aankii Dowladda Uganda isbuucii hore ku shaacisay inay Dib-u-eegis ku samaynayaan Ciiddankooda ka jooga Somalia.

Madaxweyne Museveni waxa uu sheegay inaysan Uganda marnaba ciiddankeeda kala soo bixi doonin Somalia, balse ay dib u eegayaan Hawlaha Ciiddanka Uganda ee loo daad-gureeyey Somalia.

- Advertisement -

Kulanka Madaxweynaha Uganda la yeeshay Diplomaasiyiin ka socday Maraykanka iyo Midowga Europe ayaa ku soo beegmay, iyadoo la filayo inay Taliska Sare ee Hogaaminta Ciiddanka Uganda oo uu Madaxweyne Museveni madax ka yahay ay muddo labo isbuuc kadib soo saaraan Go’aankooda Rasmiga ee ku aadan Dib-u-eegista Istaraatijiyadda Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Wargeyska The Monitor ma sheegin in Kulankaasi looga hadlay Tallaabadda ay EU-da ku jareen 20% Kaalmadda Dhaqaale ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM iyo Mushaar la’aanta dhowrka bilood ee haysata Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts