HomeWararDEGDEG: Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Xarunta Ciiddanka Boliska Waddooyinka.

DEGDEG: Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Xarunta Ciiddanka Boliska Waddooyinka.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Abaarihii 07:55 daqiiqo ee saakayto waxa qarax xooggan lala beegsaday Xarunta Ciiddanka Taraafikadda oo ku yaalla agagaarka Hotelka Jubba ee magaalladda Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Albaabka weyn ee laga galo Xaruntaasi (Ufficio Traffico). Qaraxaasi kadib, waxaa la maqalay is-rasaasayn ka dhacday goobtaasi, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Abaarihii 07:55 daqiiqo ee saakayto waxa qarax xooggan lala beegsaday Xarunta Ciiddanka Taraafikadda oo ku yaalla agagaarka Hotelka Jubba ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Albaabka weyn ee laga galo Xaruntaasi (Ufficio Traffico).

- Advertisement -

Qaraxaasi kadib, waxaa la maqalay is-rasaasayn ka dhacday goobtaasi, waxaana la soo weriyey inay jiraan dad ku geeriyooday iyo kuwo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ugu yaraan 6 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qaraxaasi, kuwaasi oo badankooda ahaa dad ku shaahayey Maqaaxi ku taalla Albaabka Xarunta uu qaraxu ka dhacay.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa la arkayey iyagoo dadka dhaawaca ah u sii gudbinaya Isbitaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Ciiddan fara badan ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa, waxaana la xadiday isku-socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala nawaaxiga Xarunta Taraafikadda.

Wixii ku soo kordha qaraxaasi waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts