HomeWararAMISOM oo beenisay sheegashadda Daacish inay qarxiyeen Gaari AMISOM.

AMISOM oo beenisay sheegashadda Daacish inay qarxiyeen Gaari AMISOM.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kooxda Daacish (IS) ayaa shalay sheegtay inay weerarkii ugu horreysay ka fuliyeen gudaha Somalia, oo ay qarxiyeen gaari ay AMISOM leeyihiin. Wakaalladda Wararka AMAQ ee taabacsan Daacish ayaa baahisay inay gaari ay AMISOM leeyihiin ku qarxiyeen duleedka magaalladda Muqdisho, inkastoo aan Bayaanka lagu muujinin halka uu weerarkaasi ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay. Hadalka Kooxda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxda Daacish (IS) ayaa shalay sheegtay inay weerarkii ugu horreysay ka fuliyeen gudaha Somalia, oo ay qarxiyeen gaari ay AMISOM leeyihiin.

Wakaalladda Wararka AMAQ ee taabacsan Daacish ayaa baahisay inay gaari ay AMISOM leeyihiin ku qarxiyeen duleedka magaalladda Muqdisho, inkastoo aan Bayaanka lagu muujinin halka uu weerarkaasi ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

- Advertisement -

Hadalka Kooxda Daacish ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay qarax lala beegsaday gaari ay wateen Ciiddanka AMISOM oo marayey KM 13 ee jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, Joseph Kibet ayaa beeniyey sheegashadda Kooxda Daacish, wuxuuna xusay inay Alshabaab ka dambeeyeen qarixii shalay oo uu xusay inuusan wax khasaaro ah u geysanin Ciiddanka iyo Gaadiidka AMISOM ee lala beegsaday qaraxaasi.

Tan iyo bartamihii sannadkii hore, waxaa jiray Dagaalyahanno ka goostay Alshabaab oo ku dhawaaqay inay ku biireen Kooxda Daacish, kuwaasi oo fariisimo ka dhigtay qeybo ka mid ah Puntland.

- Advertisement -

Sheekh C/qaadir Muumin oo hoggaamiya Kooxda ka soo goosatay Alshabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video oo uu ku sheegay inay u dacaad yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakar Albaqdaadi.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay xaqiiqo noqotay inay Daacish ka dambeeyeen qarixii shalay lala beegsaday Gaadiidka AMISOM waxay taasi sii ololin doonta Khilaafka kala dhexeeya Alshabaab iyo inay kordhaan qaraxyadda iyo weeraradda lala beegsanayo Ciiddanka AMISOM, kuwa Dowladda Federalka iyo dadka rayidka ee aan waxba galabsanin.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts