Ufayn, Bari – Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee degmada Ufayn, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgallo lagula dagaallamayo firxadka kooxdaasi.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Daacish ay isku dayeen weerar gaadmo ah oo ay ku qaadaan ciidamada difaaca Puntland. Laakiin ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah uga jawaabay, iyagoo dagaalkaasi ku dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada Daacish, halka inta hartay ay baxsadeen.
Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in dagaalka kadib ay gacanta ku dhigeen hub fudud oo ay wateen maleeshiyaadka la dilay. Ciidamada ayaa weli wada howlgallo lagu baacsanayo firxadka baxsaday, waxaana la filayaa in saraakiisha hoggaaminaysa ay saacadaha soo socda ka bixiyaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi.
Howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka Bari ayaa weli sii socda, waxaana ciidamada difaaca Puntland ay horey u ballanqaadeen in ay dagaalka ka dhanka ah Daacish sii wadi doonaan ilaa laga cirib tiro kooxahaasi.