HomeWararTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray Saldhigyada iyo Suuqyada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray Saldhigyada iyo Suuqyada Muqdisho

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku sameeyay saldhigyada iyo baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho. Taliyaha ayaa u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka ciidamada, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha hubinta, si uu u qiimeeyo diyaar-garowgooda amni. Sidoo kale, S/Guuto Asad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku sameeyay saldhigyada iyo baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka ciidamada, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha hubinta, si uu u qiimeeyo diyaar-garowgooda amni.

- Advertisement -

Sidoo kale, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa booqday suuqyada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada iyo bulshada ka shaqeysa goobaha ganacsiga habeenkii. Wuxuu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladooda amni iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, taliyaha ayaa bulshada ku boorriyay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska si loo adkeeyo amniga caasimadda, loogana hortago falalka amni-darro.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay xoojin doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, si muwaadiniintu u helaan jawi ammaan ah oo ay ku ganacsadaan una fushadaan nolol-maalmeedkooda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts