NEW YORK (Dalsan Media) – Maamulka Madaxweyne Trump ee Maraykanka ayaa Arbacadan maanta ah daabacay liis ay ku qoran yihiin in ka badan 440 – (Afar Boqol iyo Afartan) dhisme oo heer federaal ah, oo loo aqoonsaday kuwo aan muhiim u ahayn hawlaha dawladda, lagana yaabo in la iibiyo. Dhismayaashan waxaa ka mid ah xarunta dhexe ee FBI-da iyo dhismaha ugu weyn ee Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka.
Saacado kadib markii uu liiskaasi soo baxay ayuu Maamulka Trump soo saaray liis cusub oo kooban 320 – (Seddex Boqol iyo Labaatan) – dhisme, iyadoo laga saaray dhammaan kuwa ku yaalla Washington, D.C. Xafiiska Maamulka Adeegyada Guud, oo liiska daabacay, ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta ay liiskaas u dhimeen iyo sababta dhismayaal badan looga saaray.
Liiskii hore wuxuu ka koobnaa qaar ka mid ah dhismayaasha ugu caansan dalka, oo ay ku jiraan maxkamado, xafiisyo iyo xitaa barxado baabuurta la dhigto ee Baakinnada, oo ku yaallay gobollo kala duwan. Magaalada caasimadda ah eeWashington, D.C., liiska wuxuu ku daray J. Edgar Hoover Building – (Jey Idga Huufa Biildhin), oo ah xarunta dhexe ee FBI-da, dhismaha Robert F. Kennedy – (Robet Ef Kennedi) ee Wasaaradda Caddaaladda, dhismaha Old Post Office – (Oold Bowsti Ofis) oo uu horey Trump ugu lahaa hotel, iyo xarunta Ururka Laanqayrta Cas ee Maraykanka. Sidoo kale, waxaa lagu daray xarumaha Wasaaradda Shaqada iyo Wasaaradda Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka.
Meelo kale oo dalka ka mid ah, maamulka Trump wuxuu bartilmaameedsaday xarumo waaweyn sida Major General Emmett J. Bean – (Sarreeye Gaas Immit Jey Biin) ee Indiana – Indiyaana, Xarunta Sam Nunn ee Atlanta – (Saam Nan ee Atlaana), dhismaha federaalka ee Afhayeen Nancy Pelosi – (Naansi Biloosi) ee San Francisco – (San Faransiiskow), iyo xarunta Hawlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ee New York. Qiyaastii 80% shaqaalaha federaalka, oo gaaraya 2.4 milyan, waxay ka shaqeeyaan meel ka baxsan Washington, D.C.
“Waxaan ogaannay dhismayaal aan muhiim u ahayn hawlaha dowladda, si loo baabi’iyo kharashaadka dayactirka loona maalgaliyo deegaan shaqo oo tayaysan,” ayuu yiri Maamulka Adeegyada Guud. Maamulka Trump iyo bilyaneerka Elon Musk waxay arrintan u arkaan dadaal lagu kabayo miisaaniyadda dawladda, laguna yaraynyo xajmiga shaqaalaha federaalka.
Dhismaayaal badan oo la qorsheynayo in la iibiyo waxay hoy u yihiin hay’ado uu Trump muddo dheer dhaliilayay, sida FBI-da iyo Wasaaradda Guriyeynta. Sidoo kale, dhismayaashan waxay matalaan qaab-dhismeedka “brutalist,” – (Burutaalisti) oo Trump uu horey u sheegay inuu doonayo in la tirtiro, isagoo doorbidaya qaab-dhaqameedka neoclassical – (Niyo-Kalaasikaal).
Qorshaha dhimista dhismayaasha federaalka ayaa si xowli ah u socday. Bishii hore, Maamulka Adeegyada Guud wuxuu faray madaxda gobollada inay bilaabaan joojinta heshiisyada kirada dhismayaal federaal ah oo gaaraya 7,500 – (Todoba Kun, iyo Shan Boqol) xafiis. Shir ay yeesheen madaxda GSA, ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku yahay in la joojiyo ilaa 300 (Seddex Boqol) heshiis maalin kasta, sida uu sheegay sarkaal aan magaciisa la shaacin cabsi uu ka qabo aargoosi.
Waaxda Hufnaanta Dowladda ee Musk ee DODGE – (DOOJ)ayaa website-keeda ku shaacisay tobanaan heshiis oo la baabi’iyay, taasoo dhalisay walaac ku saabsan mustaqbalka adeegyada laga bixiyo xafiisyadaas.
Dhismaayaal muhiim ah oo liiska ku jira waxaa ka mid ah dhismo federaal ah iyo maxkamad weyn oo ku yaalla Los Angeles – (Loos Anjalis), dhismo federaal ah oo ku yaallamagaalada Oklahoma oo beddelay mid lagu burburiyay qarax 1995-kii, xarun kombuyuutar oo ay leedahay IRS oo ku taalla West Virginia – (Westi Ferjiiniya), iyo xarumo adeeg oo IRS ay ku leedahay magaalooyinka siddeed gobol.
Sidoo kale, maamulka wuxuu doonayaa in uu iibiyo dhismayaal ay magacyadooda leeyihiin halyeeyo xuquuqda madaniga ah, sida xarunta Martin Luther King – (Maatin Luuda King) ee Atlanta – (Atlaana), xarunta Rosa Parks -(Roosa Baakis) ee Detroit – (Ditrooyt), iyo xarunta basaska ee Alabama, oo hadda ah Matxafka Freedom Rides – (Fariidham Raaydis)
“Sanado badan oo dayac ah ayaa ka dhigtay dhismayaashan kuwo aan u qalmin in loo adeegsado shaqooyinka dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Maamulka Adeegyada Guud.
Waxay intaas ku dareen in dib-u-eegista dhismayaashan loo sameyn doono si nidaamsan, si cashuur bixiyeyaasha aysan u sii bixin kharashaadka dayactirka dhismayaal bannaan ama aan si buuxda loo adeegsan, iyagoo xusay in tallaabadan ay badbaadin karto in ka badan $430 – (Afar Boqol, iyo Soddon) milyan sannadkii.
Hay’adda Maamulka Adeegyada Guud waxay sheegtay in 443-ka – (Afar Boqol, Seddex iyo Afartan) dhisme ee liiska ku jira ay gaarayaan qiyaastii 80 – (Sideetan) milyan oo fiit oo la kireyn karo.