HomeWararFaahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Macawiisleyda iyo dagaalyahannada kooxda AS.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu qarxay xalay kadib markii Macawiisleydu ay gudaha u galeen magaalada Mesagawey, iyagoo u jiheystay dhulka muhiimka ah ee Dhagaxyaale iyo Xuseen Cagey. Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay halkaasi ku burburiyeen xarumo ay kooxda AS ku lahayd deegaanka Xuseen Cagey, halkaas oo la rumeysan yahay in ay saldhigyo muhiim ah ka samaysteen.

- Advertisement -

Intii uu dagaalku socday, wararka ayaa tilmaamaya in Macawiisleyda ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ay AS lahayd, iyagoo sidoo kale qabtay dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxdaasi. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalku sii xoogeysto maadaama labada dhinacba ay weli heegan ku jiraan.

Sawirro iyo muuqaallo lasoo bandhigay laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo burburka ka dhashay weerarkii xalay. Waxaa lagu arkay gaadiid gubanaya, hub la qabsaday, iyo dagaalyahanno ka tirsan Macawiisleyda oo deegaanno hor leh kusii siqaya.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa sheegay in dagaalkoodu ujeeddadiisu tahay in kooxda AS laga saaro guud ahaan gobolka, islamarkaana ay sii ballaarin doonaan howlgalladooda.

- Advertisement -

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay Macawiisleydu kordhiyeen weerarrada ka dhanka ah kooxda AS, iyagoo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idiin soo gudbin doonnaa.

Latest stories