HomeWararFaahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Macawiisleyda iyo dagaalyahannada kooxda AS. Wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu qarxay xalay kadib markii Macawiisleydu ay gudaha u galeen magaalada Mesagawey, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Macawiisleyda iyo dagaalyahannada kooxda AS.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu qarxay xalay kadib markii Macawiisleydu ay gudaha u galeen magaalada Mesagawey, iyagoo u jiheystay dhulka muhiimka ah ee Dhagaxyaale iyo Xuseen Cagey. Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay halkaasi ku burburiyeen xarumo ay kooxda AS ku lahayd deegaanka Xuseen Cagey, halkaas oo la rumeysan yahay in ay saldhigyo muhiim ah ka samaysteen.

- Advertisement -

Intii uu dagaalku socday, wararka ayaa tilmaamaya in Macawiisleyda ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ay AS lahayd, iyagoo sidoo kale qabtay dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxdaasi. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalku sii xoogeysto maadaama labada dhinacba ay weli heegan ku jiraan.

Sawirro iyo muuqaallo lasoo bandhigay laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo burburka ka dhashay weerarkii xalay. Waxaa lagu arkay gaadiid gubanaya, hub la qabsaday, iyo dagaalyahanno ka tirsan Macawiisleyda oo deegaanno hor leh kusii siqaya.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa sheegay in dagaalkoodu ujeeddadiisu tahay in kooxda AS laga saaro guud ahaan gobolka, islamarkaana ay sii ballaarin doonaan howlgalladooda.

- Advertisement -

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay Macawiisleydu kordhiyeen weerarrada ka dhanka ah kooxda AS, iyagoo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idiin soo gudbin doonnaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts