Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadanaya howlgallo ballaaran oo ka socda Bariga gobolka Hiiraan, kuwaasoo si toos ah loola dagaallamayo Al-Shabaab (AS).
Howlgalka, oo xooggiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal, ayaa lagu dilay 16 dagaalyahan oo ka tirsan AS, waxaana ciidamada shalay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah sida: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, iyo Cadoow Gureey.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka, Cali Jeeyte Cismaan, iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS, Col.
Cabdullaahi Cumar. Ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Al-Shabaab si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga saaro Al-Shabaab, si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.