Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida gobolka, iyo wax ka qabashada isbedelka cimillada ee saameynta ku leh gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo dadaallada lagu xoojinayo dowlad-wanaagga. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, taas oo lagama maarmaan u ah gaarista yoolalka horumarineed ee heer gobol.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay istaraatiijiyadda guud ee ururka, taas oo xoogga lagu saarayo ilaalinta nabadda iyo horumarinta gobolka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in IGAD ay ka go’an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo koboca dhaqaalaha, iyada oo la ilaalinayo iskaashiga gobolka oo dhan.
Kulankan ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh, maadaama uu ka tarjumayo dadaallada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo IGAD ay ku doonayaan in ay ku xoojiyaan nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga horumarineed ee gobolka Bariga Afrika.