HomeWararYaa bixiyay amarka saaka lagu joojiyay duulimaadyada Magaalada Baydhabo?

Yaa bixiyay amarka saaka lagu joojiyay duulimaadyada Magaalada Baydhabo?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Saaka waxaa si lama filaan ah loo hakiyay dhammaan duulimaadyadii u socday magaalada Baydhabo, taas oo abuurtay xaalad jahwareer iyo walaac ku dhex abuurtay rakaabkii diyaaraduhu ay qaadi lahaayeen. Rakaab farabadan oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa saacado xannibnaa, hase yeeshee wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in hadda duulimaadyadii la fasaxay, oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saaka waxaa si lama filaan ah loo hakiyay dhammaan duulimaadyadii u socday magaalada Baydhabo, taas oo abuurtay xaalad jahwareer iyo walaac ku dhex abuurtay rakaabkii diyaaraduhu ay qaadi lahaayeen. Rakaab farabadan oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa saacado xannibnaa, hase yeeshee wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in hadda duulimaadyadii la fasaxay, oo diyaaradihii dib u billaabeen inay ku socdaalaan magaaladaasi.

Inkastoo amarka hakinta duulimaadyada aanu si rasmi ah u caddeyn cida ka dambeysay, xubno ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dambeysay go’aankaasi, iyagoo tilmaamay in arrintani qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in la joojiyo duulimaadyada, inkastoo uu jiray hoos u dhac xiriirka u dhexeeya labada dhinac, tan iyo markii Maamulka Koonfur Galbeed uu taageeray xiriir xooggan oo ay la yeesheen Dowladda Itoobiya.

Dadka rakaabka ahaa ee ku xanibnaa garoonka ayaa muujiyay caro iyo niyad-jab, iyaga oo ku tilmaamay in arrimaha siyaasadda ee heer qaran ay si toos ah u saameeyeen safarkooda iyo noloshooda maalinlaha ah. Arrintan ayaa soo kordhineysa walaac horleh oo ku saabsan saameynta is-qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taas oo hadda gaartay heerka ay dib u dhigto adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynuhu u baahan yihiin, sida duulimaadyada iyo isu-socodka guud.

Inkasta oo hadda xaaladda garoonka la dejiyay oo duulimaadyadii dib loo fasaxay, su’aalo ayaa weli ka taagan mustaqbalka xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay muuqato in khilaafka siyaasadeed uu weli sii socon karo haddii xal buuxa aan laga gaarin arrimaha taagan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts