Ciidamada Ammaanka ayaa soo afjaray weerar dagaalamayaasha AS kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada ayaa toogteen 5 dagaalame oo weerarka soo qaaday, halka mid kalena uu isku qarxiyay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina ay ku dhinteen shacabkii xeebta ku caweynayey.
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.
Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiya oo la doonayay in weeraro kale lagu gaysto sida Boolisku sheegeen.
Weerarka Xalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay ilaa 30 qof.