HomeWararDFS oo War kasoo saartay Weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay...

DFS oo War kasoo saartay Weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay Ruushka

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay Weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen hoolka bandhig faneedka Moscow.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkii xalay ka dhacay Ruushka, isla markaana ay dowladda cambaareyneyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa tacsi u diray dadka ku wax yeeloobay weerarkii dableyda hubeysan ka geysteen hoolka bandhig faneedka Moscow iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay falkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay hoolka xafladaha ee Moscow. Madaxweynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka ku wax yeeloobay iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan lixdan qof ayaa lagu dilay weerarka, halka  in ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Ruushka. Ugu yaraan afar weeraryahan oo ku labisan qalabka wajiga lagu duubto ayaa ka qayb qaatay weerarka, oo ka dhacay xaafadda waqooyi-galbeed ee Krasnogorsk.

Masraxa hoolka Crocus ee magaalada waxaa ka socotay riwaayad markii dableyda ay gudaha u galeen hoolka. Inta badan dhismaha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana soo dumay qeyb ka mid ah dhismaha.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories