HomeWararBooliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Gabar Baraha Bulshada ku faafisay Muuqaallo dhaqan...

Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Gabar Baraha Bulshada ku faafisay Muuqaallo dhaqan Xumo ah

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Booliska Soomaaliya ayaa goordheyd Xabsiga dhigay Gabar maalmihii lasoo dhaafay hadal hayn ka dhalisay baraha Bulshada, kadib markii ay ku baahisay muuqaallo ka fog anshaxa suubban iyo dhaqan Soomaalida. Gabadhaan oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa goordheyd Xabsiga dhigay Gabar maalmihii lasoo dhaafay hadal hayn ka dhalisay baraha Bulshada, kadib markii ay ku baahisay muuqaallo ka fog anshaxa suubban iyo dhaqan Soomaalida.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed ayaa haatan gacanta lagu hayaa sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xeer ilaalinta.

- Advertisement -

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeeda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo Kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in la horgayn doono Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka Bulshada” ayaa lagu yiri Qoraalka Xeer ilaalinta Qaranka.

- Advertisement -

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts