Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta Dalkeenu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Qoraalka kasoo Baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ayaa lagu yiri “Waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeedaâ€.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.