HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal u diray Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar laba maalin qaatay ku joogay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadka ay u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar laba maalin qaatay ku joogay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadka ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.

- Advertisement -

Xasan Sheekh oo shalay ka qeyb galay Shirkii hoggaamiyeyaasha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dallada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Ururkaan ayaa waxaa marka ku jiray toddoba waddan, balse Soomaaliya waxay ku noqotay dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ahaa dalalka riixayay in Soomaaliya la siiyo fursad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts