Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya.
Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.
Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah.
Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya.
Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC.
Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,†isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.