HomeWararSoomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsaday iskaashiga Amniga

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsaday iskaashiga Amniga

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka  Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub […]

- Advertisement -

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka  Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd.

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.

Waxa ayna carabka ku adkeysay  in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

- Advertisement -

Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.

Latest stories