Somaliland ayaa  ka hadashay warar dhawaan soo baxayay oo sheegayay in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay, xili wararkaasi si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada.
Wararka la faafiyay ayaa tilmaamayay in  Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu iska casilay Xilkii u a hayay, balse qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu beeniyay arrinkaasi.
Waxaana qoraalka kasoo baxay Taliska Somaliland lagu sheegay in taliyaha uu dibadda ugu maqan yahay arrimo shaqsi ah.
“Taliska Ciidanka Booliska  Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska  Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga  Somaliland. Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxuu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo†ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska.