HomeWararDr. Cilmi Maxamuud “Culeysyo siyaasadeed oo badani ayaa saaran Wasaaradda Maaliyadda”

Dr. Cilmi Maxamuud “Culeysyo siyaasadeed oo badani ayaa saaran Wasaaradda Maaliyadda”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ee xalay xilka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay. Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ee xalay xilka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan u socoto.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu ka tagayo xafiiska isagoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii uu xilka hayay, sidoo kalena tilmaamay inuu casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena” ayuu yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda, isagoona rajeeyay in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd.

- Advertisement -

“Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah” ayuu kusoo gab-gabeeyay Qoraalkiisa Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts