HomeWararHowlgal Dagaal & Duqeyn isugu jiray oo lagu qaaday goob ay ku...

Howlgal Dagaal & Duqeyn isugu jiray oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland. Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa la sheegay inuu isugu jiray duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen […]

- Advertisement -

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa la sheegay inuu isugu jiray duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamo sida gaarka ah u tababaran ee kummaandooska DANAB ee xoogga dalka.

- Advertisement -

War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ee dhacday lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, waxaana howlgalka ka dhashay khasaaro, sida la tilmaamay.

Wakaaladda SONNA oo soo xigatay saraakiil ciidan ayaa sheegtay in ku dhowaad 40  dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalkii ka dhacay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale howlgalka ayaa la tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku jireen saraakiil, isla markaana la burburiyey hub iyo gaadiid dagaal oo goobta yaallay. Ma jiro wax faah faahin intaas ka badan oo dowladda Federaalka ka bixisay howlgalka.

Latest stories