HomeWararKhasaaraha ka dhashay Weerarkii Maanta lagu qaaday Degmada Baardheere

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Maanta lagu qaaday Degmada Baardheere

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Maanta Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Baardheere gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla degmadaas oo lagu tababaro dhallinyaro loo diyaarinayay xoreynta deegaanada Maamulka Jubbaland. Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu weeraray xerada lagu magacaabo ADC oo xilligaas ka socday tababar la siinayay dhallinyaro farabadan, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Maanta Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Baardheere gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla degmadaas oo lagu tababaro dhallinyaro loo diyaarinayay xoreynta deegaanada Maamulka Jubbaland.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu weeraray xerada lagu magacaabo ADC oo xilligaas ka socday tababar la siinayay dhallinyaro farabadan, waxaana qaraxyada loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay halka laga galo xerada.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, Laamaha ammaanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa laga soo xigtay in 7 ruux ay ku dhinteen qaraxyada, halka ku dhowaad 15 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa ka socda gudaha xerada iyo banaankeeda, waxaana dhaawacyada lagu soo qaadayaa Gaari-gacano iyo baabuur, si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka.

Xaaladda degmada Baardheere ayaa haatan ah mid aad u cakiran. Al-Shabaab ayaa durbadii sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday xerada lagu tababaro ciidanka dowladda Federaalka ee ku taalla degmadaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts