HomeWararATMIS oo billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

ATMIS oo billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya. “ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS. Tallaabadan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

“ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab, inkasta oo dowladda ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.

Bishii tagtay kaliya, 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.

- Advertisement -

Howlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.

ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla HirShabeelle u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.

ATMIS ayaa haysata fasax ka badan AMISOM oo ay weeraro ku fulin karto, waxaana qorshahoodu yahay inay amniga Soomaaliya kuw areejiyaan ciidamada xoogga dalka dhammaadka 2024.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts