HomeWararXiisad ka taagan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Xiisad ka taagan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland. Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

- Advertisement -

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts