HomeWararMW Xasan Sheekh oo Saxiixay Wareegtada Magacaabista Taliyaha CXD Iyo Taliyaha Ciidanka...

MW Xasan Sheekh oo Saxiixay Wareegtada Magacaabista Taliyaha CXD Iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka. Madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga saaro Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka ka socda iyo dib u dhiska CXD.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay 19-ka Juun 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts