HomeWararXiisad ka taagan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Xiisad ka taagan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

- Advertisement -

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Latest stories