HomeWararDowladda Somalia oo ka qeyb gashay Shir looga hadlay Dhaqaalaha Buluugga

Dowladda Somalia oo ka qeyb gashay Shir looga hadlay Dhaqaalaha Buluugga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Ifiye Cali oo uu wehliye la-taliyaha Wasaaradda Xasan Xaaji Ibraahim ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Xeebaha leh iyo jasiiradaha yar yar ee qaaradda Afrika ayaa loogu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Ifiye Cali oo uu wehliye la-taliyaha Wasaaradda Xasan Xaaji Ibraahim ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Xeebaha leh iyo jasiiradaha yar yar ee qaaradda Afrika ayaa loogu hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda, ka hortaga Kallumaysiga sharci darrada ah iyo isbedelka cimilada.

- Advertisement -

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Cali Ifiye Cali oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka faa’ideysiga dhaqaalaha Bulluugga ah iyo muhiimadda Afrika gaar ahaan Soomaaliya u leedahay horumarinta kalluumaysiga.

Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray gaba gabada shirka ayaa loogu magac daray bayaankii Moroni oo ah Caasimadda Jasiradda Comoros.

Dhinaca kale Wasiir Cali Ifiye ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay wasiirada shirka ka soo qeyb galay gaar ahaan wasiiradda ka socday dowladda Kenya, Jasiiradda Comoros iyo Jasiiradda Siishalis.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts