HomeWararMaamulka Puntland oo Digniin kasoo saaray Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland

Maamulka Puntland oo Digniin kasoo saaray Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhammaan Dugsiyada Waxbarashada Gobolada Sanaag iyo Heylaan uga digtay inay Ardaydooda galaan Imtixaanka shahaadiga ah ee Maamulka Somaliland oo maalmaha soo socda bilaaban doona. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu sheegay in aan la ogoleynin in deegaannada Puntland la keeno Imtixaan aan aheyn midka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamulka. […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhammaan Dugsiyada Waxbarashada Gobolada Sanaag iyo Heylaan uga digtay inay Ardaydooda galaan Imtixaanka shahaadiga ah ee Maamulka Somaliland oo maalmaha soo socda bilaaban doona.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu sheegay in aan la ogoleynin in deegaannada Puntland la keeno Imtixaan aan aheyn midka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamulka.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasaaradda ayaa Dugsiyada Waxbarashada Gobolada Sanaag iyo Heylaan ku wargelisay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo sare la gaarsiiyay dhammaan deegaannada Puntland.

Si kastaba, Amarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan deegaannada Maamulka Somaliland uu ka bilaaban doono Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamulkaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.

- Advertisement -

 

Latest stories