HomeWararQM oo War kasoo saartay Qaraxii Caruurta badan ku laayey Shabeellaha Hoose

QM oo War kasoo saartay Qaraxii Caruurta badan ku laayey Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ka hadashay qarax ay caruur badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa ka dhashay hub haraadi ahaa. UNICEF oo qoraal soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka naxday qaraxa au ku dhinteen carruurta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ka hadashay qarax ay caruur badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa ka dhashay hub haraadi ahaa.

UNICEF oo qoraal soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka naxday qaraxa au ku dhinteen carruurta badan, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibanayaasha, iyagoona caafimaad degdeg ah u rajeeyay caruurta kale ee waxyeelada gaartay.

- Advertisement -

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka” ayey tiri UNICEF.

Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in gargaar si dhaqsi ah loogu fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

Qaraxa ayaa ka dhashay haraaga walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen caruurta oo ku sugnaa tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxa ku dhimatay 27 caruur ah, halka kuwo kalena oo badan ay dhaawacmeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts