HomeWararWararkii ugu danbeeyay Qarax lagu dilay Sarkaal ciidan oo ka dhacay Marka

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lagu dilay Sarkaal ciidan oo ka dhacay Marka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qarax sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana qaraxa oo ahaa mid xooggan kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida dowladda ee ka howlgala magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana qaraxa oo ahaa mid xooggan kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida dowladda ee ka howlgala magaalada Marka, isla markaana waxaa gaariga xilligii uu qarxayay saarnaa sarkaalka iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaalka ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Marka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Bitooni, waxaana sidoo kale dhaawacyo soo gaareen Askar la socotay sarkaalka oo ilaalo u aheyd.

Dad ayaa waxa ay kusoo warrameen in qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay gaariga ay waateen sarkaalka la bartilmaameedsaday, qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo oo qaaday Meydka iyo dhaawacyada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlgalo ay xalay magaalada Marka ka sameeyeen ciidanka Nabadsugida ay kusoo qabteen dhowr qof, kuwaasi oo la sheegay in loo qabtay arrin la xariitra qaraxa lagu dilay sarkaallaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts