Madaxweynayaasha dalalka Masar, C/Fataax Elsisi iyo dhigiisa dalka Kenya, William Ruto ayaa waxay kulan doceed ku yeesheen Shirkii Madaxda dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo lagu qabtay Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Ahmed Fahmy WADA ayaa waxa uu tilmaamay inay labada Madaxweyne ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal, gaar ahaan Ganacsiga iyo Maalgashiga Masaarida ee dalka Kenya.
Madaxweyne Elsisi waxa kale oo uu William Ruto u sheegay Xiriirka Taariikhiga ee labada Waddan iyo doorka muhiimka ee Kenya ka qaadanayso Xoojinta iyo Deganaanshaha Qaaradda.