HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Pearl Beach

Taliska Booliska oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Pearl Beach

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-Shabaab ku qaaday hotelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada caasimadda ah Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in 7 nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka ku bilowday qarxyada ku qaadeen Pearl Beach, ayna ka dhex dagaalamayeen dhowr saacadood oo xiriir ah, balse ay toogteen ciidanka amniga.

- Advertisement -

Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen 6 ruux oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, isla markaana waxaa inta uu socday dagaalka dhintay 3 ka mid ah Ciidamada ku jiray howlgalkii lagu soo afjarayay weerarkii xoogganaa ee xalay dhacay.

Taliska ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka sameeyay ay soo bad-baadiyeen illaa 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray ee earl Beach ee ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee bilooyin kadib ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan,

Latest stories