Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Garacad ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo xubno oo halkaas tagay.
Madaxweyne Saciid Deni oo kasoo baxay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Garacad u tagay sidii uu daah-furi lahaa wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo Maanta rasmi ah xariga looga jarayo, sida uu qorshahu yahay.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna lagu wadaa inay gaaraan Garacad, si ay uga qeyb galaan Munaasadda xarig-jarka wejiga kowaad ee dekedda Garacad.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay munaasabadda lagu daah-furayo wejiga kowaad ee dekedda cusub oo ka socota Garacad. Dekedda Garacad ayaa noqoneysa tii labaad ee ay Puntland yeelayo waxaa lagu lagu dhisay isku tashi bulsho.