HomeWararHay’adaha garagaarka caalamiga ah oo ka qayb qaadanaya Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

Hay’adaha garagaarka caalamiga ah oo ka qayb qaadanaya Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada London kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska. Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada London kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska.

Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay in looga jawaabo ka hortaga macluul Soomaaliya ka dhacda.

- Advertisement -

Ergayga iyo wakiillada hay’adaha, saraakiisha Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ayaa isla-meel-dhigay in la dardar-geliyo ka jawaabista xaaladda abaaraha Soomaaliya, si looga hortago in abaaruhu u gudbaan heerka ugu daran ee macluusha.

Ergeyga oo dhawaan gaaray carriga Ingiriiska ayaa hore ula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Ingiriiska, Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ka sii horreeyay kulan uu New York kula yeeshay Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee UK, Vicky Ford.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaalka uu Ergaygu ugu jira u qareemidda iyo deeq u raadinta gurmadka abaaraha, si looga hor tago musiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalka. Ergayga ayaa ugu danbayn u mahadceliyey Hay’adda Save The Children oo kulanka martigelisay.

- Advertisement -

Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqooyiga America ee Maraykanka iyo Canada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts