HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Muwaadiniin Soomaali ah oo goobtooda Ganacsi lagu dilay

Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadiniin Soomaali ah oo goobtooda Ganacsi lagu dilay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, waxaana weerar ku qaaday dabley hubeysan oo burcad ah. Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, dilkooda ayaa si […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, waxaana weerar ku qaaday dabley hubeysan oo burcad ah.

Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, dilkooda ayaa si gaar ah uga dhacay laba dukaan oo isku dhow, ayna ku lahaayeen degaanka Guguletu ee Koonfur Afrika.

- Advertisement -

Dad kale Soomaali ah kana agdhawaa goobta lagu dilay laba Muwaadiniinta ayaa meydka ka qaaday halkaas, isla markaana  sheegay in Marxuumiinta ay u dhinteen rasaas lagu weeraray, xilli ay guda jireen shaqooyinkooda caadiga ahaa.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd tegay halka ay dilalka ka dhaceen, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano lagu baadi gaabayo burcadii hubeysneyd oo baxsatay, waxaana howlagalada ay sameeyaan Booliska dalkaas ay yihiin kuwo aan wax natiijo ah kasoo bixin inta badan.

Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan falal Dil, Dhaawac iyo dhacba isugu jira kala kulma Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aanay jirin Safaarad ama Jaaliyad isku xiran oo tacadiyadan joogtada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa kala xaajooda dowladda Koonfur Afrika.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts