HomeWararFaah faahin: Taliye ka tirsan Ciidanka dowladda oo lagu dilay Qarax lagula...

Faah faahin: Taliye ka tirsan Ciidanka dowladda oo lagu dilay Qarax lagula eegtay Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyno halkaas. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyno halkaas.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga qeybta 27-aad, waxaana Ciidanka saarnaa gaariga kamid ahaa Taliyahii Seedka Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xooga Dalka Col. Barre Ceyrow.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay Taliyahii Seedka Guutada 5-aad qeybta 27-aad Barre Ceyrow, kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii lagula wareegay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askar kale oo saarneyd gaariga ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, Saraakiisha dowladda ayaan weli hadal qaraxa.

Sidoo kala qarax ka dhacay wadada u dhexeeysa Baladweyne iyo degaanka Booco ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ahaa, sida la sheegay, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj, uuna qaraxu ka dhacay, qaraxa ayaana ahaa miino dhulka lagu aasay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts