HomeWararTurkiga oo War kasoo saaray Qaraxii Maanta ka dhacay Xerada Jeneraal Dhagabadan

Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxii Maanta ka dhacay Xerada Jeneraal Dhagabadan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay xerada tababaraka ciidamada ee General Dhagabadan, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dalkaas. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay xerada tababaraka ciidamada ee General Dhagabadan, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dalkaas.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aynu nahay saaxiibada iyo walaalaha” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda.

- Advertisement -

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya eedagaallanka ay kula jiro argagixisada wax walba oo ay awooddo” ayuu raacisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa warbaahinta u sheegay in dawladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay xerada tababaraka ciidamada ee General Dhagabadan, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux oo u badnaa dhallinyaro qoroneysay Askarnimo, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dhowr iyo toban kale oo qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts