Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.
- Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.