Wasiirrada Maaliyadda ee shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saareen ku sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalkaa Soomaaliya.
Maamulka Koofur Galbeed oo ka mid ahaa Maamulada joojiyay wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay sababha rasmiga ah ee keenya inay hakiyaan wadashaqeyntii kala dhexeysay Dowladda dhexe.
Wasiirka Maaliyadda ee Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa shantii wasiir ee war saxaafdeedka ku saxeexnaa ayaa sheegay in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay kala dhaxysay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka uu ku dhaqaaqay tallaabooyin dhowr ah oo horseeday in ay jioojiyaan wadashaqeynta.
Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Fedaraalka ayuu ku Eedeeyay in shaqoyin u baahnaa in lagala tashado maamul Goboleedyada uu kaligii ku dhaqaaqay, waxaana intaas uu ku daray in wax tixgalin ah aysan ka helin wasiirka Cusub ee Dowladda Federaalka.