HomeWararHoggaamiyihii ugu dambeyay Midowgii Soviet-ka oo geeriyooday

Hoggaamiyihii ugu dambeyay Midowgii Soviet-ka oo geeriyooday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Mikhail Gorbachev, oo soo afjaray dagaalkii qaboobaa ee aan dhiig ku daadan, balse ku guul-darraystay in uu ka hortago burburkii Midowgii Sofiyeeti ayaa dhintay Talaadadii isaga oo 91 jir ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Moscow. Gorbachev, oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soofiyeedka, wuxuu sameeyay heshiisyo dhimis hubka ah oo uu la galay Mareykanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mikhail Gorbachev, oo soo afjaray dagaalkii qaboobaa ee aan dhiig ku daadan, balse ku guul-darraystay in uu ka hortago burburkii Midowgii Sofiyeeti ayaa dhintay Talaadadii isaga oo 91 jir ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Moscow.

Gorbachev, oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soofiyeedka, wuxuu sameeyay heshiisyo dhimis hubka ah oo uu la galay Mareykanka iyo iskaashi uu la sameeyay quwadaha reer galbeedka, si meesha looga saaro caqabadaha adag ee siyaasadeed, militari iyo fikir ee kala qeybiyay Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, loona keeno dib u midoobidda Jarmalka.

- Advertisement -

Laakin dib u habeyntii uu ku sameeyay gudaha waxa ay ka caawisay in uu wiiqo Midowgii Soofiyeeti ilaa heer uu burburay, xiligaasi oo madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay “masiibadii juqraafiyeed ee ugu weyn” qarnigii 20-aad.

“Mikhail Gorbachev wuxuu dhintay caawa kadib xanuun halis ah oo daba dheeraaday” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay cisbitaalka dhexe ee Russia.

Afhayeenka dowladda Ruushka Dmitry Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax ee Ruushka in Putin uu muujiyay sida uu uga xun yahay geeridiisa.

- Advertisement -

Kadib tobanaan sano oo xiisad dagaal qabow iyo iska hor imaad ah, Gorbachev wuxuu Midowga Soofiyeeti u soo dhawaaday Galbeedka marka loo eego marxalad kasta tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Putin ayaa sheegay 2018-kii inuu wax ka bedeli doono burburkii Midowga Soofiyeeti haddii uu awoodo, sida ay wakaaladaha wararka xiligaas sheegeen.

Gorbachev wuxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize sanadkii 1990-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts