HomeWararAkhriso: Magacyada ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat ee Muqdisho

Akhriso: Magacyada ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat ee Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan. In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan.

In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo xaaladdiisa Caafimaad lala talaacayo.

- Advertisement -

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Ganacsade  Cabdirahman Xassan Iiman,  Sheekh Maxamed Baabili,  Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad  Barrow iyo dad kale, kuwaasi oo ku sugnaa hotelka weerarka lagu qaaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhaawacmay uu kamid yahay Nabadoon Bootan Ahmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maamulka Galmudug  Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Daahir Caga Dahab, waxaana la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo.

Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay hotelka kasoo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah, kuna go’doonsanaa gudaha hotelka Xayaat oo ku dhow hotelka Saxafi ee Muqdisho.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Shabaabka, Ciidanka dowladda ayaa wada howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka iyo dagaalka oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts