HomeWararDagaal weli Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ku dhex-maraya Hotelka Xayaat ee Muqdisho

Dagaal weli Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ku dhex-maraya Hotelka Xayaat ee Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dagaal qaatay 10 saacadood oo xiriir ah ayaa weli waxaa uu Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab uu ku dhex-marayaan gudaha hotelka Xayaat oo xalay Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen. Jugta qaraxyo bambooyin ah iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha hotelka, waxaana Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal qaatay 10 saacadood oo xiriir ah ayaa weli waxaa uu Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab uu ku dhex-marayaan gudaha hotelka Xayaat oo xalay Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen.

Jugta qaraxyo bambooyin ah iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha hotelka, waxaana Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa Haramcad iyo kuwa Alfa Group ay la dagaalamayaan Al-shabaabka weerarka ku qaaday hotelka oo ay ku sugnaayeen dad badan.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay hotelka kasoo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah, kuna go’doonsanaa gudaha hotelka Xayaat oo ku dhow hotelka Saxafi ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo markii hore ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay albaabka hotelka, dhowr daqiiqo kadibna uu xigay qarax  kale oo xooganaa.

Weli si rasmi ah looma khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaana dadka dhaawacmay ku jira Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac shadoor iyo Taliye kale oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda oo goobta weerarka ku sugnaa.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Shabaabka, Ciidanka dowladda ayaa wada howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka iyo dagaalka oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts