HomeWararWarbaahinta Itoobiya oo baahisay Xogo Cusub oo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab iyo...

Warbaahinta Itoobiya oo baahisay Xogo Cusub oo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab iyo Dowlad degaanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya Isniintii, sida ay sheegtay idaacadda dowladda Ioobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii maleeshiyadani ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas. Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya Isniintii, sida ay sheegtay idaacadda dowladda Ioobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii maleeshiyadani ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.

Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo isku dayaya in uu damiyo kacdoonka ka socda gobolka Oromada, islamarkaana uu dejiyo macaaradka aan raali ka ahayn ee ku sugan gobolka Axmaarada, isla markaana uu wadahadallo nabadeed la bilaabo gobolka waqooyi ee Tigrayga.

- Advertisement -

Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.

Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dadka ku nool Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab dib loogu soo celiyay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii ka dhacay Itoobiya Isniintii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts